Soomaali

Barnaamijka lagaga caawinayo, Qaadshada jinsiyada dadka ku cusub dalka.

Waa adeeg ay iska kaashanayaan gobolka Washington iyo Ururka One America,oo ah urur aan faaido doon aheyn, oo u ololeeya hormarinta cadaalada, sinaanta iyo xuquuqda qaxootiga. Ujeedada adeegan Jinsiyada ee cusubi; waa sidii loogu fududayn lahaa dadka haysta deganaanshaha joogtada ah(Green Card) ee gaaray xiligii qaadashada jinsiyada Mareykanka,sidii ay u heli lahaayeen jindsiyada,taas oo laga caawinayo farsamada iyo tabaha hanashadda jinsiyadda. Dhanka kale,adeegan,waxa iska kaashanaya One America iyo Garyaqaanada arimaha socdaalka ee Mareykanka (AILA) iyo ururada adeega bulshada ee Washington,waxay kuu qabanayaan howlaha soo socda lacag la’aan:

  • Xog iyo tafaasiil ku saabsan hanaanka qaadasahada jinsiyada
  • Buuixinta arjiyada jinsiyada oo lagaa caawin doono( gaar ahaa foomka N-400 Forms)
  • Dib u eegid arjiga jinsiyadda,taas u isha marin doono garyaqaano bilaash ah oo aqoon gaar ah u leh arrimahan.

Qofka buuxinaya codsiga jinsiyada waa inuu buuxiyaa shuruudahan:

  • Waa inuu jiraa ugu yaraan 18 sano
  • Haystay deganaasha rasmiga ah(green Card) ugu yaraan shan sano ama sadex sanadood hadii uu qabo xaas Mareekan ah.
  • Ku sugnaa gudaha Mareekanka laba sano iyo bar shantii sano ee ugu danbeeyey ama sanad iyo badh sadexdii sano ee ugu danbeeyey haduu qabo xaas Mareekan ah.
  • Waa inaanu ku sugnaan sanad ama ka badan dibada Mareekanka shantii sano ee ugu danbeeyey ama sadexdii sano ee ugu danbeeyey haduu qabo xaaas Mareekan ah.

Qaadashada Mareekanku,waa arin aad u muhiim ah,,oo aad ku mutaysanayso xuquuqo badan,oo ay ka mid yihiin:

  • Xaqa codaynta,qabashada iyo u tartanka xafiisyada danta guud iyo waliba ka mid noqoshada gudiyada garsoorka.
  • Waxaad ka dhiiban kartaa aragtidaada maamulka dawlada iyo go'aamada noloshaada saamaynaya.
  • Waxaad si dhib yar u codsan kartaa in laguu keeno dalka Mareekanka qaraabadaaada dibada ku nool,si ka dhakhso badan.codsiga qofka deganaanshaha rasmiga ah leh( Green Card).
  • Caruurta da'doodu ka yartahay 18 jir,ee haysta deganaanshaha rasmiga ah,waxay helayaan jinsiayada isla marka waalidku qaato.
  • Waxaad ku noolaan kartaa dalka dibadiisa mudadii aad doonto, adigoon ka cabsi qabin ku laabashada Mareekanka,ama in dal ku galku(Visa) kaa dhaco
  • Cabsi ka qabi maysid in dalka lagaa dhoofiyo(tarxiilo).
  • Waayo? Dadka qaata jinsiyada Mareekanka iyo caruutoodaba lagama dhoofin karo dalka,halka ay suurta galka tahay in dadka haysata dagannanasha rasmiga kaga dhoofiyo Mareekanka,hadii ay gaystaan danbiyo gaar ama ay ku maqnaadaan dibada dalka mudo dheer.
  • Shaqooyin badan ayaa ku xidhan haysada jinsiyada Mareekanka,gaar ahaan shaqooyinka dawlada dhexe.
  • Kaalmada dawlada waxa xaq u leh muwaadiniinta Mareekanka,sidaa awgeed dadka aan muwaadiniinta ahayn ama haysta deganaanshaha rasmiga ahi,ma helaan kaalmada dawlada.
  • Uma baahnid inaad mar walba cuuboonaysiiso sharcigaaga,oo aad hadba waraaqo buuxiso,sida dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah.
  • Waxaad iibsan kartaa qori ama hub.Waayo? Looma ogola qof aan muwaadin ahayn inuu iibsado hub.

Waxa kale,oo aanu u soo bandhigi doona dadwaynaha tababar bilaash ah oo ku saabsan sidii aad ugu guulaysan lahayd, wareysiga jinsiyadda iyo maclumaad kale ee ku saabsan ka qey qadashadda howlaha bulshadda.

Si aad u ogaato gooabaha kuugu dhaw,ee adeegaas laga heli karo,fadlan la xariir 1.877.WA.NEWCI(TIZEN) ama 1.877.926.3924